Weriyeyaal lagu eedeeyey iney taageeraan Fatxullah Gulen oo xabsiga la dhigay maanta Daawo Sawiro!!

Ugu yaraan sagaal weriye oo ka tirsan wargeyska xaga mucaaradka u janjeera ee Cumhuriyet ayaa maxkamad ku taal magaalada Istanbul ee Turkigu u jartay warqada xariga, waxaana la dhigay xabsiga.

Weriyeyaasha wargeyskan ayaa lagu eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin wadaadka Maraykanka degan ee Fatxullah Gulen oo loo heysto inuu maleegay isku daygii afganbi ee dalka ka dhacay bishii Julay.

Tifaftirihii wargeyska, farshaxaniiste caan ah iyo qoraa dowladda dhaliila ayaa ka mid ahaa weriyeyaasha la xiray.

Tallaabadan waa tii ugu dambeysay kuwo xiriir ah oo laga qaadayo dadka dhaliila Madaxweyne Racep Tayyip Erdogan.

Sidoo kale Sagaal siyaasi oo ay ku jiraan hogaamiyeyaasha xisbiga Kurdiyiintu leeyihiin ee HDP ayaa jimcihii la xiray.

Sagaal sarkaal oo kale oo ka tirsan isla xisbiga HDP oo ay ku jiraan guddoomiyihii xisbiga ee gobolka ku yaalla koonfurta bari ee Adana oo iyagana maanta oo Sabti ah gudaha la dhigay.

MUUQAAL HALKAAN HOOSE KADAAWO

eedeesanayaal-2

eedeesanayaal-3

eedeesanayaal-4

eedeesanayaal-5

eedeesanayaal-6

eedeesanayaal-1

Comments

comments