Wararkii Ugu Dambeeyay dagaalka Gaalkacyo iyo Qasaaraha ka dhashay oo sii kordhaya!!

Magaalada Gaalkacyo waxaa maanta mar kale ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada Maamulada Galmudug iyo Puntland, waxaana dagaalkan ka dhashay qasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa saakay dib uga bilowday Galbeedka magaalada Gaalkacyo waxaana markii dambe uu kusii fiday goobo hor leh, ciidamada dagaalamayay ayaa isku adeegsanayay hubka culus iyo kuwa fudud, waxaana daryanka hubka la is dhaafsanayay laga maqlayay qeybo badan oo magaalada kamid ah.

In ka badan shan qof u badan dhinacyadii dagaalamayay ayaa lasoo sheegayaa in ay ku dhinteen dagaalka xoogan ee saakay ka dhacay magaalada Gaalkacyo, waxaa sidoo kale jira qasaaro badan oo dhaawacyo ah kuwaa oo la geeyay isbitaalada kuyaala Koonfurta iyo Waqooyga Gaalkacyo.

Rasaas goos goos ah ayaa wali laga maqlayaa goobihii maanta lagu dagaalamay, waxaana wali lasoo sheegayaa in ay jirto xiisad colaadeed waxaana labada dhinac kala gaaraya ciidamo Gurmad ah oo dagaalka qeyb ka noqonaya.

Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa labada dhinac midbo kan kale ku eedeeyay jabinta heshiiskii lagu gaaray Dalka Imaaraatka Carabta, waxa ayna labada dhinac ku doodayaan in dhinac walbo isaga lagu soo duuulay .

Comments

comments