“Akhriso” Liiska Beelaha Galmudug loosii Gudbiyay Ergada Dooraneysa Xildhibaanada Aqalka Hoose ee kasoo galaya Galmudug!!

Guddiga Doorashooyinka dadban u qaabilsan Dowlad goboleedka Galmdug ayaa soo bandhigay Liiska Beelaha ama Jufooyinka Gudbiyay magacyada Ergada dooraneysa Xildhibaanada Aqalka Hoose ee kasoo galaya beelaha dega Galmudug.

Waxa ay sheegeen Guddiga in hada gacanta ku hayaan liiska ergada dooraneysa 19 Xildhibaan, waxa ayna ugu baaqeyn beelaha kale in ay dhankooda soo dedejiyaan Liiska ergooyinka si ay doorashada dhawaan u dhacdo.

Inta badan Ergada Dooraneysa Xildhibaanada Aqalka Hoose kasoo galaya deegaanada Galmudug ayaan wali ku sugneyn magaalada Cadaado marka laga reebo in magacyadooda loo gudbiyay Guddiga Doorashooyinka, waxaaa beelaha qaar sidoo kale ka dhax taagan is qab qabsi xoogan halka beelaha kale ay siwanaagsan howsha uGu socoto.

Halkaan hoose ka Aqriso Warqad ay ku qoran tahay Liiska ee beelaha gudbiyeen iyo Ergooyinka u tar tami doona,

galmudug-2

Comments

comments