DAAWO MUUQAAL:Madaxwaynaha Jubaland oo Dagaalka Gaalkacyo iyo Shirkii Dalka Imaaraadka Qofka ladooranaaya Madaxweyne ka hadlay!!

Madaxweyna Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaan oo kusoo laabtay magaalada Kismaayo ayaa shir saxaafadeed uu qabtay kaga hadlay dagaalka ka socda magaalada Gaalkacyo, Wuxuuna sheegay inuu yahay dagaal Nasiib daro ah ee meel uu ku socdo aan la garanayn.

Axmed madoobe ayaa sheegay in gogol nabad ay taalo Km Kismaayo taas oo lagu doonayo in lagu xaliyo colaada Gaalkacyo.Wuxuu labada madaxweyne maamul goboleed, Saraakiisha iyo odoyaasha labadaas maamul ugu baaqay in dagaalka la joojiyo lana badbaadiyo dadka inta hadhay.

Ugu danbayntii Madaxweyna Maamul goboleedka Jubba Axmed Madoobe ayaa dhanka kale ka hadlay shirkii madaxda maamul goboleedyadu ku yeesheen magaalada Abudubi iyo hadal hayntii ka dhalatay kulankooda.

Comments

comments