Dhageysiga Khudbadaha Musharaxiinta Aqalka sare ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo bilaabatay!!

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa bilaabay dhageysiga xubnaha Musharaxiinta Aqalka sare ee todobaadkii hore uu magacaabay Madaxweynaha Hirshabeelle, iyadoo Musharax walba uu soo bandhigayo waxqabadkiisa hadii la doorto.

Khudbadaha oo gelinkii dambe soo gaartay ayaa illaa caawa fiidkii socota, waxaana illaa 23 Musharax oo midkiiba la siinayo illaa 10 daqiiqo uu jeedinayaa khudbad uu uga hadlayo taariikhdiisa, iyo hadii la doorto waxa uu qabanayo.

Dadaalo iyo wada hadalo lala lahaa Xildhibaanada Hirshabeelle oo ka biya diiday qaabka uu wax uga bedelay Liiska Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa lagu guuleystay, inkasta oo la sheegayo in dib loo dhigay mid ka mid ah kursiga ama Musharaxa uu muranka ku jiray.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa dooda ka keenay mid ka mid ah Musharaxiinta Aqalka sare oo la sheegay inay ku jirto afada Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka soo jeeda beel kale, waxaana laga yaabaa in laga saaro liiska
Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sheegay in doorashada aqalka sare la qabanayo maalinta berri, maadaama waqtiga aanu saamaxeyn, xilli habeena la galay.

Maamulka Hirshabeelle ayaa 8-kursi ku yeelanaya Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana hadii la soo doorto uu ku biirayaa, Maamulada Galmudug, Puntland, Koofur Galbeed iyo Jubbaland oo bishii hore soo gudbiyay xubnahooda u matalaya Aqalka sare, kaddib markii ay doorteen Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad goboleedyadaas waxaana la ogeyn sida loo dooran doora Xubnaha Maamulka Soomaaliland umatalaaya Aqalka sare maadaama tirade ugu badan ay kasoo jeedaan Reer Soomaaliland.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa wajahaya durbaba diidmo uga imaaneysa Xildhibaanada Hirshabeelle oo noqday Baarlamaankii ugu horeeyay ee ka mid ah Baarlamaanada maamul goboleedyada oo ka horyimaada Madaxweynahooda waxayna uleeyihiin Xaq in wax diidan.

Comments

comments