Madaxeynahe Xasan oo ka hadlay eedeymaha sheegaya in dowladu ku lug leedahay dagaalka Gaalkacyo iyo waxii sababay Dagaalkaas!!

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka jawaabay eedeymaha sheegaya in ciidamo ka tirsan dowlada federaalka ay ka qeyb qaadanayaan dagaalka ka socda magaalada Gaalkacyo.

Xasan Shiikh ayaa sheegay iney aad ugu xun yihiin dagaalkaas, kuna ay dadaali doonaan sidii loo joojin lahaa, wuxuuna wax aan suuragal aheyn ku tilmaamayay in dowladu ka qeyb qaadato ama huriso dagaal u dhexeeya labo dhinac oo shacabkeeda ka tirsan.

“Dagaalada ka dhaca Gaalkacyo waa kuwo taariikhi ah oo ka horeeyey Puntland iyo Galmudug, waxaad la socotaan heshiisyadii ay gaareen Madaxweynihii hore C/llaahi Yuusuf iyo Jen. Caydiid, waxayna dagaaladan salka la sii galayaan soona jireen illaa xiligii isticmaarka mana ahan wax dowlada federaalka la kowsaday” ayuu yiri madaxweynaha Somalia.

Waxaa uu sheegay in dowladu federaalku ay wado qorsheyaal lagu joojinayo dagaalkaan si loo soo celiyo nabadii ka jirtay magaalada Gaalkacyo, wixii muran ah ee jirana loogu dhameeyo wadahadal.

Maamulka Puntland ayaa dhowr jeer ku eedeeyey dowlada Soomaaliya iney ka qeyb qaadaneyso dagaalka ka socda Gaalkacyo hub iyo ciidana ku taageereyso ciidamada Galmudug ee kula dagaalamaya galbeedka magaalada Gaalkacyo.

dhanka kale Galmudug ayaa Dagaalka Gaalkaciyo ka hor awel Dagaalo kala dhaxeeyeen Maamulka uu hugaamiye Cabadi Maxamuud Ileey kaas oo New police kooda ay dagaal kaga cabsaden daraawiishta Galmudug kadib isku jibin Ciidanka maamulada Soomaaliya ah ayaa Itoobiya oo oo madaxa usalaaxeyso Reer Putland una sheegeysa in Galmudug ka gardaran tahay ayaa waxay Itooobiya ku guuleysatay isku dirka walaala, Abti iyo Adeerkiis ee kuwada nool Magaalada Gaalkaciyo iyo daafaheeda.

“Doqoney Dabkaa ba ay” “halkee kaa jirtaay dhaxanta kaa dishaa”

Daawo Muuqaal HEESTA Xasan AADAN SAMATAR

Comments

comments