War Deg Deg ah: Dagaal Culus oo Dib uga Qarxay Magaalada Gaalkacyo iyo xabad joojintii oo noqotay mid la burburiyay!!

Dagaal u dhexeeya Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa Goor Dhaw Dib uga Qarxay Galbeedka Magaalada Gaalkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug.
Dagaalka Labada Dhinac u dhexeeya ayaa la isku adeegsanayaa Hubka Culus,waxaana Xaafadaha ay ka Kooban tahay Magaalada Gaalkacyo laga Maqlayaa Dhawaqa Rasaasta.
Madaxweyneyaasha Puntland iyo Galmudug ayaa Shalay gaaray Heshiis Xabad Joojin ah,waxaana Jabay Heshiiskaas.
Heshiiskii hore ee Imaaraadka lagu gaaray ayey Labada Maamul midba midka kale ku Eedeeyay inuu Jabiyay.

Labada maamul mid kamid ah aya u muuqda in aysan daacad ka aheyn joojinta dagaalkaan, waxayna caado ka dhigteen in midba midka kale uu ku eedeeyo inuu dagaalka bilaabay, xabad joojintana uu jebiyey, taasoo aan xal u noqoneyn dhibaatada ka taagan magaalada Gaalkacyo.

Labada maamul weli maka hadlin, dagaalka saaka ka soo cusboonaaday Gaalkacyo ayaan illaa hadda an la ogeyn khasaaraha nafeed ee ka dhashay.

Comments

comments