WAR DEG DEG AH: Gudoomiye Jawaari oo ku guuleystay Kursiga Xildhibaanimada Aqalka hoose Fidaraalka Goboleedka Koofur Galbeed!!

Guddoomiyihii Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa ku guuleystay doorashadii aqalka hoose, isagoo helay codod dhan 45 cod, halka Musharax kale oo la tartmayay uu helay 5 cod kaas oo ahaa C/raxmaan Sheekh Ibraahim .

Jawaari ayaa sidaas ku helay kursiga Xildhibaanada ee Aqalka hoose, waxayna tani ka dhigan tahay in damaca Shariif Xasan ee uu ku doonayo inuu isku soo sharaxo xilka Madaxweynaha Soomaaliya ay meesha ka baxdo, maadaama Jawaari uu markale u taagan tahay xilka Guddoomiyaha Baarlamanka lagana yaabee in loo codeeyo.

Sidoo kale waxaa Xildhibaanada Aqalka hoose ku soo baxay Xildhibaanad Fowziyo Sheekh Maxamed iyo Ibraahim Isaaq Yarow oo musharaxii la tartamayay oo aheyd Haweeney ay iska tanaasushay.

Sideed Kursi oo ah Xildhibaanada Aqalka hoose ayaa maanta lagu dooranaya magaalada Baydhabo, waxaana kursi walba u tartamaya labo illaa saddex musharax oo hal beel ka soo kala jeeda.

Dad badan ayaa isha ku hayay kursiga Xildhibaanimo ee Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, maadaama Shariif xasan uu dadaal badan ku bixinayay, si uusan ugu guuleysan xilka uu helay Jawaari, maadaama uu ka cabsi qabo inuu isku soo sharaxo mar kale xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Guusha Jawaari ayaa waxay la macno tahay in tallaabtii koowaad ee Shariif Xasan uu qaadi lahaa Musharaxnimada Madaxweynaha ay sidaas daaqada uga baxdo, maadaama Jawaari markale isku soo sharxaayo xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Shariif Xasan ayaa xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka u diyaarinay inay isku soo sharaxaan siyaasiyiin uu gacan saar laleeyahay oo ka soo kala jeeda Beelaha Daarood iyo Hawiye.

Doorashadii dhacday sanadkii 2012-kii ayuu Shariif Xasan ku fashlmay Musharxnnimadiisa Madaxweynaha Soomaaliya, kadib markii Guddoomiyaha Baarlamaanka loo doortay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, taas ayaana meesha ka saartay damacii Shariifka ku doonayo inuu kaga weeciyo beelaha Digil iyo Mirifle xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka oo tan iyo sanadkii 1960 ay heli jireen.

Comments

comments