“Akhriso” Magacyada iyo beelaha ay ka soo kala jeedaan Xubnaha loo doortay Aqalka Sare ee Hirshabeelle + sawirro!!

Waxaa caawa fiidkii la soo gaba gabeeyay doorashadii xubnaha Aqalka sare oo umatalaya Maamulka Hirshabeelle, kaddib doorasho saacado badan qaadatay oo ka dhacday magaalada Jowhar.

Doorashada oo aheyd mid u dhacday hab qarsoodi ah ayaa Xildhibaanada waxay u codeynayeen Musharaxiin ku tartamayay kuraasta Beelaha dega labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Hoose ee ka soo gaaray qoondada Aqalka sare ee Hirshabeelle.
Halka beelaha qaar ay ku qadeen in ee kamid noqonin gabi ahaan Dowlad goboleedka Hiirshabeele sida Beesha Ilaawaay Cusmaan.
Soomaalida ayaa qaar beelaha lagu tuntaa xaquuqdooda sidaas waxayna sababtaa in Soomaalida Gudaha Dalka Isku dagaalaan.

Afar ka mid ah kuraasta Aqalka sare ayaa lagu guuleystay, iyadoo aan loo tartamin, kaddib markii ay tanaasuleen qaar ka mid ah Musharaxiintii utartami lahaa.

8-da xubnood ee Aqalka sare ayaa labo ka mid ah waxay yihiin Haween oo keligood ku tartamayay, waxayna ahaayeen doorashadii ugu xiisaha badneyd, marka loo eego doorashada ragga.
Halkan hoose ka “akhriso” magacyada 8-da xubnood ee Aqalka sare u matalaya Hirshabeelle.
 
1. Cismaan Maxamed Macow Gugundhabe- Jajeelle
2. Prof. Cismaan Maxamuud Dufle Udeejeen
3. Muuse Suudi Yalxow Abgaal- Wacbuudhan
4. Maxamed Xuseen Raage  Xawaadle
5. Maxamed Cusmaan Faarax (Dhagajuun) Xawaadle
6. Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan Abgaal- Harti Abgaal
7. Fartuun C/qaadir Faarax (Karaama) Jareer Saddex Cumaroow
8. Naciima Ibraahim Yuusuf. Gaaljecel- Caloofi

doorosho-1

doorosho-2

doorosho-3

doorosho-4

Comments

comments