Ciidamo Itoobiyaan oo dhimasho & dhaawac u geystay qoys Soomaaliyeed oo ka koobán Aabe, Hooyo & Caruurtiis!!

Gaari ay wateen ciidamada Itoobiya ee ku sugan Gobolada dhexe ayaa jiiray guri ay degenaayeen qoyska ee wax gaarsiiyeen qoyskaas oo deganaa duleedka degaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud.

Hooyadii qoyskaas iyo Labo Carruur ah oo ay dhashay ayaa ku dhintay halkaas, waxaana ku dhaawacmay Aabihii Reerka iyo Wiil yar oo ay dhaleen.

Masuuliyiinta degmada Ceelbuur ayaa sheegay in gaari ciidamada Itoobiya wateen uu Jiiray Qoyskaas oo degenaa Meel aan sidaa uga Fogeyn wadada isku xirta Maxaas iyo Wabxo ka hor qoyskaa Itoobiyaanka ayaa Dad badan ka qaxiyay Ceel buur.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya ee falkan geystay ay ka baxeen degmada Maxaas, kuna sii jeedeen Magaalada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Saraakiisha ciidamada Itoobiya ayaan illaa hadda ka hadlin dhacdadan, inta badana loogama baran iney ka hadlaan falalka bareerka ay geystaan ciidankooda, waxaana falkan aad uga xumaaday shacabka ku nool nawaaxiga goobta uu shilkan ka dhacay.

Comments

comments