Daawo Sawirro: Taageerayaasha Hillary Clinton oo la yaaban natiijada cododka iyo guul Daro usoo ifeysa Xisbigeeda!!

Taageerayaasha Hillary Clinton ayaa soo wajahay moraal dilaac aad u weyn, kaddib markii natiijooyin aan la fileyn ay ka soo korodhay cododka Gobolada Mareykanka ee shalay ka dhacday doorashada Madaxweynaha.

Musharaxa Donald Trump ayaa u muuqda mid ku guuleysanaya gobolo hor leh, kaddib markii Hillary Clinton ay lumisay Goboladii uu markii hore cododka ka heli jiray Xisbiga Dimoqraadiga.

Taageerayaasha Ms Clinton oo ku sugan xarunteeda New York ayaa soo wajahay xaalad adag, waxaana sawiro la soo qaaday muujineysa, iyagoo madaxa heysta, aragagax iyo madax jab ka heysta sida wax walba isu bedeleen.
Sidoo kale Taageerayaasha Musharaxa Donald Trump ayaa sii bilaabay dabaal deg ay ku muujinayaan guushooda, maadaama uu ku horeeyo cododka la tiriryay.

Donald Trump ayaa ku horeeya 244 cod, halka Hillary Clinton ay leedahay 215, waxaa Trump qarka u saaran yahay inuu ku guuleysto doorashada Madaxweynaha Mareykanka.

Illaa afar gobol ayaa dhiman natiijada codka in lagaga dhawaaqo, waxaana afarta gobol, hadii labo ka mid ah Donald Trump ku guuleysto ay noqoneysaa mid Donald Trump u cadaata inuu ku guuleystay Madaxweynaha Mareykanka ee soo socda.

eyo-cad-cad-1

eyo-cad-cad-2

eyo-cad-cad-3

eyo-cad-cad-4

eyo-cad-cad-5

eyo-cad-cad-6

eyo-cad-cad-7

Comments

comments