Jaale Muuse Suudi Yalaxow oo ku guuleystay Kursiga Aqalka sare ee mataalada Hirshabeelle!!

Hambalyo kusocoto Xaaji Muuse Suudi Yaxalow oo ku guuleystay doorashada xubnaha Aqalka sare u matalaya dowlad goboleedka Hirshabeelle, isagoo helay aqlabiyadii ugu badneyd ee Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle.

Muuse Suudi Yalaxow ayaa ku guuleystay kursiga 3aad ee Aqalka sare, isagoohelay 91-cod, halka Musharaxa kale ee la tartamayay oo lagu magacaabo Xasan Cali Caadle uu helay 4 cod kaliya.

Xaajiga ayaa afartii sano ee la soo dhaafay ka maqnaa Masraxa siyaasada, waxaana ka mid noqoshada xubnaha Aqalka sare ay tahay mid la wada sugayay.

Muuse Suudi ayaa khudbadiisii Musharaxnimada ee uu ka hor-jeediyay Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle, waxaa uu ku sheegay in aanu isaga aheyn Hoggaamiye Kooxeed, balse uu ahaa Hoggaamiye difaac.

Comments

comments