Daawo Sawirro: Wiil iyo Gabar isla dhashay oo ku tartamaya Kursi kamid ah Aqalka Hoose ee Baarlamaanka!!

Maamul Goboboleedka Galmudug Waxaa ka bilowday doorashada xubnaha aqalka hoose ku matalaya Baarlamaanka Federaalka Soomaalaiya, waxaana ilaa hada la doortay dhowr xubnood oo laga soo kala doortay qaar kamid ah maamulada dalka.

Doorashada aqalka hoose ayaa sanadkan ah mid ka badalan qaabbkii markii hore lagu soo xuli jiray, waxaana doorashadan lagu kala baxayo qaab xiiso badan ee uga socota xarumaha Maamul Goboleedyada dalka qaarkood.

Sheekada Bulshada Soomaaliyed soo jiidatay ee dooarshadaan laga baran karo ayaa ah in kursi kamid ah Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka ay isku haystaan ama ay ku tartamayaan Wiil iyo gabar wada dhashay, kuwaa oo midbo kan kale in uu ka guuleesto dadaal badan ku bixnaaya.

Xildhibaanad Ubax Tahliil Warsame oo kamid aheed Baarlamaanka Waqtigiisa dhamaaday ayaa mar kale utaagan in ay kamid noqoto baaramaanka Cusub, hasa ahaatee Ubax ayaa dagaal siyaasadeed aad u xoogan kala kulmeysa Walaalkeed ka yar Liibaan Tahliil Warsame.

Labadan Musharax ayaa kasoo jeeda Beesha Sacad Habar Gidir, waxa ayna wadaan olole aad u xoogan uu mid kasta ku doonayo in uu kan kale kaga guuleesto, waxaana dagaalka ugu culus uu yahay in booskaasi lagu qoro dumar ama rag si ay u kala haraan.

Odayaasha iyo Ergada ay kasoo jeeda Beesha labadan Musharax ayaa u kala ololeenaya labada Musharax ee is haya, walina ma cada cida hanan doonto guusha tartanka adag ee walaalahan ugu jiraan kamid noqoshada aqalka sare ee Baarlamanaka Federaalka.

Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ayaa ah mid xiiso gaar ah leh, waxaana sanadkan doorashada la filayaa in ay kusoo laaban doonaan inta badan Xildhibaanadii kamid ahaa Baarlamaanka Waqtigiisa dhamaaday iyo xubno ku dhaw dhaw Madaxda Maamul goboleedyadaas.

ubax_1

liibaan-ubax-1

liibaan-ubax-2

Comments

comments