Muuqaal: Muuse Suudi Yalaxow “Anigu Hogaamiye kooxeed ma ahayn, C.wali Gaas ayaa hada Hogaamiye kooxeeda” Daawo!!

Muuse Suudi Yalaxow oo kamid ahaa  Hogaamiye Kooxeedyadii Soo maray dalka Soomaaliya, ayaa maalintii shalay waxaa loo doortay inuu ka Midnoqdo xildhibaanada Aqalka Sar ee Soomaaliya.

Hadal  uu ka jeediyey magaalada Jowhar ayaa Wuxuu  ku sheegay inuu Waxbarashada gaadhay Dugsi Sare, Sidoo kalana wuxuu Xusay inaanu Ahayn Hogaamiye Kooxeed,  “Anigu Hogaamiye Daafac baan ahaa,  Hogaamiye Kooxeedyada hadii aan idiin sii Fasiro Hada ayaa dagaal socdaa, Madaxwaynaha Puntland ayaa Hogaamiye Kooxeed ah.”

Muusa Suudi ayaa hadalkaas ka jeediyay xarunta Hiirshabeele oo Musharaxiin qorshahooda lagu dhageesanaay Magaalada Jowhar.

Comments

comments