Daawo Sawirro: Gaalkacyo, koofur iyo waqooy oo Siyaabo kala duwan loogu soo dhaweeyay hogaamiyaasha Guuleed iyo Gaas!!

Waxaa maanta magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug gaaray Madaxweynayaasha Maamulada Galmudug iyo Puntland Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Labada Madaxweyne Goboleed ayaa magaaladaasi u gaaray sidii ay uga wada hadli lahaayeen colaada ka aloosan magaalada Gaalkacyo ee u dhaxeeya labada maamul, waxaana labada masuul dhax dhaxaadin doono masuuliyiin katirsan Dowlada Soomaaliya iyo wakiilo kasocda Beesha Caalamka.

Cabdi Kariin Xuseen Guuleed iyo wafdi la socday oo ay ku jiraan Xildhibaano ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Koonfurta magaalada Gaalkacyo, halka Madaxweyne Cabdiweli Gaas iyo xubnaha la socday iyana lagu soo dhaweeyay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Labada Madaxweyne ayaa lagu wadaa in maalinta berito ah kulan toos ah ku qaataan magaalada Gaalkacyo, waxaana kulankan diirada lagu saarayaa sidii loo joojin lahaa dagaalka Gaalkacyo loona kala qaadi lahaa ciidamada dagaalamay sid dadka qaxay dib ee uGu soonoqdaan Guryahooda.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirro qaabka Gaalkacyo loogu soo dhaweeyay Labada Madaxweyne Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ah.

cabdiwalan-gaas-2

cabdiwalan-gaas-3

cabdiwalan-gaas-4

cabdiwalan-gaas-5

cabdiwalan-gaas-1

cabdikariim-3

cabdikariim-4

cabdikariim-5

cabdikariim-1

cabdikariim-2

Comments

comments