DAAWO MUUQAAL: Khudbadii Maanta ay Jeediyeen Madaxda Maamul Goboleedyada Putland iyo Galmudug !!

Maanta Waxaa Garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo Heshiis ku Gaadhay madaxda maamulada Puntland iyo Galmudug, Waxaana goob joog ka ahaa Raysal wasaaraha Soomaaliya iyo Ergayga QM ee Soomaaliya waxayna Labada dhinac isku mariyeen hadalo ad´adag.

C.wali Maxamed Cali Gaas oo Khudbad ka jeediyey goobta ayaa sheegay in Puntland markastaba ay ku Jirtay difaac, Wuxuuna sheegay inay diyaar u yihiin Nabad Waarta, Wuxuuna sheegay inay diyaar u yihiin Inay Fuliyaan Qodobadii lagu heshiiyey Dalka Imaaraadka.

dhanka kale C.kariim Xuseen Guuleed ayaa wuxuu sheegay in Dadka Gaalkacyo dagan ay wada Leeyihiin, islamarkaana aysan Suurto gal ahayn in cid laga qabsado dhulkeeda, Wuxuuna sheegay inay dhankooda diyaar u yihiin wax kasta oo Nabad ku imaanayso, Wuxuuna sheegay in Labadii Heshiis ee hore ay ka hirgeli waayeen dhinaca Maamulka Cabdi….. Puntland.

MUUQAALKA HALKAAN HOOSE KADAAWO

Comments

comments