DAAWO SAWIRRO: Madaxda Puntland iyo Galmudug oo goor dhow heshiis ku gaaray Gaalkacyo!!

Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ayaa goor dhow ku kulmay magaalada Gaalkacyo, iyadoo kulankooda ay goob joog ka ahaayeen Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid iyo Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya.

Kulankan oo ahaa mid albaabada u xirnaa ayaa waxaa lagu heshiiyay qodobo dhowr ah, iyadoo lagu balamay in la xoojiyo heshiiskii lagu saxiixay isku tagga Imaaraadka Carabta.

Labada dhinac ayaa 20-ka bishan ku kulmaaya magaalada Kismaayo, iyadoo la sii adkeynayo heshiiska xabad joojinta ee laga gaaray colaada todobaadyada ka jirtay magaalada Kismaayo.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa soo dhoweeyay heshiiska labada dhinac, waxaana uu faray inay xoojiyaan heshiiska nabadda Gaalkacyo.

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsna Soomaaliya Micheal Keating ayaa dhankiisa balan qaaday in Qaramada Midoobey ay gacan ka geysaneyso dhaqan gelinta heshiiska.
Heshiiska ay goor dhow kala saxiixdeen Madaxweynayaasha Puntland iyo galmudug ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa xubno ka tirsan Aqalka Sare ee labada Maamul.

gaalkacyo-1

gaalkacyo-2

gaalkacyo-3

Comments

comments