Daawo Muuqaal: Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi oo sheegay inay ka qeyb galayaan doorashooyinka dadban!!

Xubnaha kasoo Jeeda maamulka Somaliland ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa Aqbala inay ka qayb galaan Doorashooyinka Soomaaliya, Iyagoona ku baaqay in la soo da´dajiyo Doorashada Xubnaha Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee ayku Yeelan doonaan Baarlamaanka fidaraalka Soomaaliya.

Kulankaan ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirka Waraafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), Wasiiradii Hore ee Arimaha debeda Soomaaliya Foosiya Yuusuf Xaaji Aadam,  Siyaasiyiinta, Iyo Odayaasha dhaqanka ee kasoo Jeeda maamulka Somaliland ee Xamar kusugan.
Go’aanka ay ku Aqbaleen Xiligan inay ka qayb galaan Doorashada Soomaaliya ayaa waxay meesha ka Saaraysaa Baaqyo horey uga soo baxay oo ay ku Diideen Go’aanadii kasoo baxay Madasha qaran ee Kismaayo.

MUUQAAL HALKAAN HOOSE KADAAWO

dirta-waqooyeed

Comments

comments