Guddiga doorashooyinka Hirshabeelle oo soo saaray shaxda 1aad ee doorashada Aqalka Hoose (Akhriso)!

Guddiga doorashooyinka dadban ee heer dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta qabtay shir jaraa’id oo ay uga hadlayaan doorashada Aqalka Hoose ee dhowaan ka dhaceysa magaalada Jowhar, iyadoo loo tartamayo 37 kursi oo ay ku tartami doonaan xildhibaanadii hore ugu fadhiyay iyo kuwo cusub oo kusoo biiraaya ka qaybgalka siyaasada Soomaaliya.

Wajiga koowaad ee doorashada ayaa waxa ay bilaaban doontaa 16ka bishan aynu ku jirno iyadoo lagu tartami doono 13 kursi oo ka mid ah 37 kursi ee taala gobolka Sh/dhexe.

Kuraasta ugu horeysa ayaa waxaa lagula tartami doonaa xildhibaano muddo dheer ku fadhiyay iyo qaar kale oo afartii sanadood ee la soo dhaafay ka mid ahaa golaha baarlamaanka.

Xildhibaanada kuraastooda shaxda koowaad gashay  ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Amniga Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Khadiijo Maxamed Diiriye, Cabdiqaadir Cosoble, Maxamed Xasan Qoone, Shiikh Cabdisataar Shiikh Xasan Barsane, Faarax C/qaadir, waxaana dhamaan xubnahan la tartamaya Musharaxiin dhowr ah oo loolan adag kala kulmayaan tartanka kuraasta aqalka hoose ee beelahooda halkaan hoose ka
Akhriso Shaxda 1aad Ee Doorashada Hirshabeelle.

Comments

comments