Ciidamada DF Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo Qabsaday deegaanka Miirtaqwo DAAWO MUUQAAL!!

Ciidamada dowlada Soomaaliya oo taageero ka helaya kuwa midowga Africa ee AMISOM ayaa la wareegay gacan ku haynta deegaanka Miirtaqwo oo ku yaala duleedka degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe, Halkaasi oo Al-shabaab Haysateen mudo 8-Sano ah.

Saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya ee qeybta ka ahaa howlgalkaas ayaa sheegay in ciidamo isgarabsanaay ay la wareegeen gacan ku heynta deegaankaasi, waxaana sidoo kale la sheegay in  Ciidamo beeleed deegaanka ah iney ku wehliyeen ciidamada la wareegay deegaankaas oo ku yaala duleedka degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

MUUQAALKA HALKAAN HOOSE KADAAWO

Comments

comments