Daawo Sawirro”Diyaarad Caalami ah oo 25 sano kadib Duulimaad toos ah maanta keentay Muqdisho!!

Waxaa manta garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho 25-sano kadib soo cago dhigatay Dyaarada Caalamiga ee Shirkada Air Djbauti , waxaana diyaaradan saarnaa rakaab dalka Jabuuti kasoo raacay.

Munaasabad kooban ay ka qeyb galeen Masuuliyiin katirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Safaarada dalka Jabuuti ee Muqdisho ayaa lagu qabtay garoonka Aadan Cadde, waxaana lagu soo dhaweenayay duulimaadka ay Diyaarada Djbauti ka bilowday Muqdisho.

Masuuliyiin katirsan Shirkada Diyaaradaha Air Djbouti ayaa sheegay in ay aad ugu farxsan yihiin soona dhaweenayaan duulimaadka tooska ah ay Diyaaradooda mudo 25-sano kadib ka bilowday Magaalada Muqdisho.

Diyaarada Air Djabouti oo duulimaadyo toos ah ku tagta wadamo badan oo caalamka katirsan ayaa la filayaa in Isbuuciiba ay dhoor mar duulimaad ku timaado magaalada Muqdisho, waxaana arintan aad uso dhaweeyay dadka u kala safra Jabuuti iyo Soomaaliya.

djabuuti-1

djabuuti-2

Comments

comments