Maxkamadda sare ee dalka Masaarida oo laashay xukunkii dilka ee M.d hore Maxamed Morsi!!

Maxkamadda sare ee dalka Masar ayaa maanta go’aamisay in la joojiyo xukunkii dilka ahaa ee sanadkii la soo dhaafay lagu ridday Madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Morsi.

Amar ka soo baxay Maxkamadda ayaa lagu sheegay in dacwada la qaado mar kale, iyadoo gebi ahaanba baabi’isay xukunkii sanadkii hore ay ridday Maxkamad ku taal Qaahira.
Maxamed Morsi ayaa lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa xabsi  laga baxsaday sanadkii 2011, xilligii uu socday kacdoonka looga soo horjeeday Madaxweynihii hore Xusni Mubaarak.

Mr Morsi ayaa ka mid ahaa Xisbiga Ikhwaanul Muslimiinka, waxaa uu ahaa Madaxweynihii u horeeyay ee si dimoqraadi loo soo doorto kadibna lagu xadgudbay iyo iyo Xukuumadiisa.

Sanadkii 2013 ayaa Milateriga Masaarida uu taliye ka ahaa SISI ayaa xukunka ka tuureen, kadib markey lacago ka qaateen Dowlada kale oo doonay dano qaas ah oo lagu afganbiyay dowladdiisa, waxaana tan iyo wixii ka dambeeyay mudadaas uu xabsi ugu jiray midka Xilka kala wareegay.

Dowladda Masar ayaa mamnuucday Ururka Ikhwaanul Muslimiinka, waxayna ku tilmaamtay urur argagixiso, waxaa xabsiga la dhigay boqolaal ka mid ah xubnihii ururkaas oo ay ku jiraan madaxdii xisbigaas.

Comments

comments