Doorashada xubnaha aqalka hoose ee Galmudug oo maanta Cadaado lagu qabanayo Akhriso Magacyada!!

Degmada Cadaado ayaa waxaa lagu wadaa in maanta mar kale ay ka bilaabato doorashada xubnaha aqalka hoose ee maamulka Galmudug, iyadoo loo tartami doono illaa sagaal kursi.

Guddiga doorashooyinka dadban ee Galmudug ayaa sheegay in la xaliyey khilaafaad iyo murano aad u xooggan oo ka dhex jiray beelaha qaar, kuwaasoo ku saabsanaa qaabka soo xulayo ergooyinka iyo arrimo kale.

Waxay ka qeyb galaya doorashada Cadaado ka dhaceysa siyaasiyin caan ah, hogaamiye kooxeedyo hore, ganacsato iyo dhalinyaro ku cusub siyaasada, waxaana kuraasta loogu tartami doonaa sidan soo socota.

1- Waceysle, Cali Gaaf, waxaa ku tartamaya Eng. C/llaahi Cali Xasan, Saadaq C/kariin Xaaji Ibraahim Fowziyo Xasan Abukar.

2- Waceysle, Marooyin, waxaa ku tartamaya Axmed Yuusuf Guuleed C/llaahi Cali Axmed, iyo Caddow Cali Gees.

3- Murusade, Habar ceyno, waxaa ku tartamaya Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow, iyo Axmed Mukhtaar Maxamuud.
4-Murusade, Habar Ceyno, waxaa ku tartamaya Maxamed Maxamuud Guure, Zakariye Maxamed Cosoble, C/qaadir Nuur Caraale iyo C/qaadir Gaafow Maxamuud.
5-Murusade, Habar Adinle, waxaa ku tartamaya Xuseen Qaasim Yuusuf iyo Shire Macalin Gaab.

6- Duduble, Maxamed Camal, waxaa ku loolamaya Maxamed Cilmi Afrax, Bootaan Ciise Caalin, Cabdulle Faarax Xirsi iyo Cali Sheekh Yaasiin Fadhaa.

7- Murusade, Sabti Abakar, waxaa ku tartamaya Xasan Macalin Maxamuud, C/qaadir Xuseen Maxamuud iyo C/fataax Cali Xasan.

8-Duduble Awr-wadeen, waxaa ku tartamaya Maxamed Cabdulle Faarax Geesey, Maxamed Axmed Xaashi Qoslaaye.

Guddiga doorashooyinka ayaa ka codsaday musharaxiinta iyo ergooyinka beelaha iney ilaaliyaan waqtiga ay bilaabaneyso doorashada oo ah 9:00 subaxnimo ee saaka, waxaana aad loo xoojiyey amaanka degmada Cadaado.

Comments

comments