Dowlada Kenya oo gubtay hub badan oo Soomaaliya xageeda looga qaaday si sharci daro ah Sawirro!

Dowlada Kenya ayaa gubtay hubkii ugu badnaa oo badankiisa sida la sheegay si sharci daro ah dalkaasi uu u galay markii laga qaaday dalka Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka Kenya Willaim Ruto oo ku sugnaa madasha hubka lagu gubayay ayaa sheegay in hubkaasi badankiis laga qaaday dalka Soomaaliya, si sharci darro ahna lagu geeyay dalka Kenya, sida uu sheegay.
Ku dhawaad shan kun oo qori ayay Kenya ku gubtay meel fagaaro ah, waxaana looga hortagayay in hubkaasi uu u gacan galyo shacabka Kenya oo seefta isku qaata xiliyada Doorashooyinka.

Kenya shacabka waxaa ku adag in uu hub u gacan galo, iyadoo laga baqayo in dhexdooda ay ku dagaalamaan, waxaana cidda dooneysa hubka la marsiiyaan baaritaano adag.
Madaxda Kenya ayaa sheegay iney ka hortagayaan in hubka sharci darada uu galyo gacanta shacabka.

Balse waxaana wali lacadeynin in hubkaas laga soo qabtay goobo ganacsi iyo in laga soo gurbiyay Xaafado ku yaala Dalka Kiinya.

kiinya-xoolo-3

kiinya-xoolo-1

kiinya-xoolo-2

Comments

comments