Saaxiibadii ugu Dhowaa Madaxwayne XASAN oo maanta Xildhibaano Noqday iyo mid halis badan leh!!

Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa goor dhow ku guuleystay Kursigii ugu horeeyay ee Xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka imaanaya Maamul goboleedka Hirshabeelle,   iyada oo heshay Codka 51 xubnood ee ergooyinka wax dooraneysa,  Khadiija  ayaa tan iyo sanadkii 2000 aheyd Xildhibaan, sidoo kale waxaa ay horay xilal Wasiirnimo ka soo qabatay xukuumadihii dalka soo maray.

Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa asna loo doortay Kursiga Xildhibaannimo ee Aqalka Hosoe, isagoo kaga guuleystay C/fataax Xasan Afrax Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan, Sanbaloolshe oo ka mid ahaa dadka aad ugu dhow Madaxweynaha ayaa helay 51 cod oo ahaa dhamaan ergadii wax dooraneysay, halka C/fataax Xasan Afrax aanu wax cod helin.

Sidoo kale Faarax Sheekh C/qaadir oo isna ah saaxibka koowaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Janeraalka Jooga Xarunta Looga Taliyo Soomaaliya (Gabre) jaajuuskiisa, ayaa isna loo doortay Kursiga Aqalka Hoose, balse Doorashada Faarax ayaa aheyn mid aan sidaas u xiiso laheyn, maadaama labada Musharax ee la tartamayay ay ahaayeen kuwo uu isaga iska qortay, isla markaana uu ku jiro wiil uu adeer u ahaa.

Waxaa kaloo isna guuleystay oo kursiga Xildhibaanimo ku soo baxay Wasiirkii Amniga C/risaaq Cumar Maxamed.
Xubnahan ku guuleystay Aqalka Hoose ee Hirshabeelle ayaa dhamaan ah taageerayaasha Madaxweyne Xasan Sheekh, oo la filayo in xildhibaanada ugu badan uu ka helo Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

jaajuusiinta-itoobiya-2

jaajuusiinta-itoobiya-1

Comments

comments