Wajiga 1aad ee doorashada Aqalka Hoose oo maanta ka bilaabaneysa Magaalada Jowhar!!

Wajiga koowaad ee doorashada Kuraasta Aqalka Hoose ee dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabaneysa magaalada Jowhar, iyadoo illaa 13 kursi lagu tartami doono.
Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Hirshabeelle oo maalin ka hor soo gudbiyay shaxda ay u dhaceyso doorashada Aqalka Hoose ayaa wajiga koowaad ku soo bandhigay kuraasta 13 qabiil oo ay Musharaxiintooda ku tartamayaan.

Kursiga koowaad ee Aqalka Hoose ayaa waxaa ku tartami doona Khadiijo Maxamed Diiriye oo tan iyo sanadkii 2000 xilligii dowladii Carte soo aheyd Xildhibaan iyo C/llaahi Maxamuud Xayl
Sidoo kale doorashada ugu adag Kursiga Aqalka Hoose Ee Maamulka Hirshabelle ayaa waxaa ku tartami doona C/qaadir Cali Cosoble, Muxiyaddiin Xasan Jurus iyo Xuseen Raagge Shiraar.
Kursigan ayaa lagu tilmaamay kursiga ugu adag ee doorashada aqalka Hoose ee Hirshabeelle

Comments

comments