Daawo: Madaxweyne Erdogan oo Weerar afka ah ku qaaday Jarmalka Iyo muran ka Jira Labada dhinac!

Saraakiil Sare oo Turkish ah oo kamid ahaa howlgalka NATO oo fadhigooda yahay dalka Jarmalka, ayaa iska dhiibay dalkaasi, kadib markii dowladda Dalka Jarmalka ay ka codsadeen inay siiyaan magangalyo siyaasadeed.

Xiisadda ka dhalatay Saraakiishan Sare ee codsatay magangalyada siyaasadeed ayaa waxaa si weyn u hadal haaya Warbaahinta caalamka, iyadoo ay xusid mudan tahay in Kumanaan saraakiil iyo askar Turki ah la xiray, wixii ka dambeeyay Afgambigii dhicisoobay ee ka dhacay dalka Turkiga.

Xiriirka u dhaxeeya Dowladda Jarmalka iyo Turkiga ayaa sii xumaanaayay wixii ka dambeeyay bisha laxeed ee sanadkaan markii Turkiga uu xiray kumanaan ka mid ah shaqaalaha Dowladda oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen Afgambigii fashilmay.

Comments

comments