DAAWO MUUQAAL:Dowlada Ruushka oo Sheegtay inuu Isaga baxay Maxkamada danbiyada ICC!

Dowlada Ruushka ayaa shaaca ka qaaday in ay isaga baxday Maxkamada Dambiyada Caalamiga ee ICC ee fadhigeedu yahay magaalada The Hague ee dalka Holland.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa lagu sheegay in Dowlada Ruushka go’aan ku gaartay in aysan kasii mid ahaan Maxkamada Dambiyada Caalamiga ee ICC.

Dowlada Ruushka ayaa la sheegay in go’aankan ay qaadatay ay ka dambeesay kadib markii Qaramada Midoobay ay ku eedeesay dowlada Ruushka in dambiyo ka dhan ah Xaquuqda bin’aadamka ka geesatay gobolka Crimea.

Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ee ICC ayaa la aas aasay sanadkii 1998 , waxaana lagu aas aasay magaalada Rome , waxaana dhismaha maxkamada saxiixay in ka badan 100 wadan ay ku jiraan Dowladaha caalamka ugu awooda badan.

Dowlado u badan kuwa ku yaala qaarada Afrika ayaa dhawaan shaaciyay in ay isaa baxayaan Maxkamada Dambiyada Caalamiga ee ICC, dowladaha Afrika ayaana ku eedeesay Maxkamada in aysan si cadaalad ah u shaqeyn.

Comments

comments