Daawo sawirro: Roobab lagu diirsaday oo saaka ka da’aya Muqdisho iyo nawaaxigeeda mahad Rabi!!

Roobab xooggan oo dadka ku qabowsadeen ayaa saaka ka da’aya magaalada Muqdisho iyo deegaanada u dhow, iyadoo roobabkan ay hakiyeen isu socodkii dadka.
Roobabka ayaa waxay biyo dhigeen waddooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho, waxaana hakaday gaadiidka isaga kala goosha degmooyinka Gobolka Banaadir.
Dadkii saaka u shaqo tagi lahaa goobahooda ayaa guryahooda ku hakaday roobabka oo saacado badan da’aya awgiis.
Labo maalin ka hor ayaa ayaa qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka laga sameeyay Salaad roob doon, iyadoo Alle looga baryay inuu roob u keeno, iyadoo abaaro dadka iyo duunyada saameeyay ay ka jiraan gobolada dalka.
Roobab ayaa saaka ka da’aya magaalada Muqdisho iyo Gobolada ku dhow dhow, waxaana la soo sheegayaa inuu istaagay isu socodkii dadka iyo gaadiidka.
Roobabkii Deyrta oo soo daahay ayaa sabab u ahaa in gobolo badan ay abaar ka dhacdo, iyadoo xoolo badan ay ku le’deen.
Deegaanada si ba’an ay abaarta u saameysay ayaa waxaa ka mid ah Gobolada Waqooyi ee Somaliland, halkaasoo ay ka bilowdeen howlo loogu gurmanayo dadka ay saameysay abaarta.

roob-soomaaliya-ka-day-2

roob-soomaaliya-ka-day-3

roob-soomaaliya-ka-day-4

roob-soomaaliya-ka-day-1

Comments

comments