Wasiirka Arrimaha Gudaha (Odowaa) oo loo doortay Kursiga Xildhibaannimo ee Aqalka Hoose!!

Wasiirka arrimaha Gudaha C/raxmaan Odowaa ayaa ka mid noqday xubnaha aqalka hoose ka dib doorasho goor dhow ka dhacday magaalada Cadaado ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

C/raxmaan Odowaa ayaa ka mid ah wasiirada sida weyn ugu dhow madaxweyne Xasan Shiikh, waxaana qorshaha looga dhigay xildhibaanimada uu ku muteystay wax qabad iyo u kaalmeynta Shacbiga.

Sida ay sheegayaan warar goor dhow Inaga soo gaaray magaaladaa Cadaado, Wasiir Odowaa ayaa 46 cod kaga guuleystay Maxamed C/llaahi Maxamed oo ahaa musharaxii la tartamayey kaasoo helay 5 cod oo kaliya.

Doorashooyinkii shalay ka dhacay magaalooyinka Jowhar iyo Cadaado ee loogu loolamayey kuraasta xubnaha aqalka hoose ayaa ragga ku soo baxay waxaa ku jiray siyaasiyiin ka mid ahaa taageerayaasha Madaxweynaha, taasoo xoojineysa rajada Xasan Shiikh uu ka qabo in mar kale loo soo doorto Madaxweynaha Soomaaliya ee afarta sano ee soo socota.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa wada olole xoogan oo xildhibaano looga dhigayo rag taageersan Madaxweynaha, waxaana taas aad looga dareemay doorashooyinkii shalay dhacay oo ragga ku soo baxay ay sidoo kale ku jireen shaqaalihii xafiiska madaxweynaha sida agaasimaha Madaxtooyada iyo ku-xigeenkiisa.

Comments

comments