Beelaha Caabudwaaq oo ku dagaalamay 17-11 -2016- hub ka dhigis lagu samaynaayo Daawo!!

Xaalada magaalada Caabudwaaq oo dagaal Beeleedyo soo Noqnoqday ay ka dhaceen Mudooyinkii ugu danbeeyay, dhacdadaas kadib Xaalad degaanaan ah ayaa laga Dareemay shalay iyo maanta.

Dagaal beeleedyada kusoo Noq noqday Magaalada Caabudwaaq ayaa gaystay Khasaare kala duwan oo soo kala gaadhay labada dhinac oo isugu Jira dhimasho iyo Dhaawac.

Maamulka Degmada Caabudwaaq ee Galmudug ayaa ka warbixiyay Sida ay dagaaladu ku Bilowdeen,  Iyo sababta ka hortaagan inay ku guulaystaan Joojinta Xiisada Colaadeed.

Ugu danbayntii maamulka degmada ayaa sheegay inay hada ku howlan yihiin Qaabkii Hubka dhigis loogu samayn laaa Maleeshiyo beeleedyada ku dagaalama magaalada Caabudwaaq ayna balaarin doonaan Ciidanka Galmudg.

Comments

comments