Madaxweyne Balan qaaday in Wadankiisa uu qaabilayo Qaxootiga ay xadudaha ka xirteen Wadamada Yurub!!

Madaxweyne Rodrigo Duterte, oo Wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Caalamiga ee Al Jazeera ayaa balan qaaday in Wadankiisa uu magan galyo siinayo kumanaan kun oo qof, kuwaa oo ku dhibaateesan meelo badan oo caalamka kamid ah.

Waxa uu sheegay in Dowladiisa ay diyaar u tahay in ay qaabisho Qaxootiga ay Xaduudaha ka xirteen wadamada Reer Galbeedka, waxa uuna balan qaaday in Dowladiisa ay soo dhaweeneyso si waaagsana ula dhaqmeyso Qaxootiga loo diiday in ay galaan Yurub iyo wadamo kale.

” Anaga ayaa diyaar idin ah ee noo kaalaya , waxaan diyaar u nahay in aan qaabilno soona dhaweyno dhamaan qaxootiga Caalamka ku dayacan gaar ahaan kuwa Yurub ka xirteen xaduudaha” Ayuu yiri Madaxweynaha Filibiin.

Rodrigo Duterte ayaa ku eedeeyay in Dowlaaha reer Galbeedka ay ku tuntaan xaquuqda aadanaha, waxa uuna wax laga xumaado ku tilmaamy in dad qaxooti ah misana dhibaateesan in xuduudaha silig adag looga xirto.

Comments

comments