Guddomiyihii Maxkamadda Gobolka Banaadir oo shaqada looga joojiyay si kumeel gaar ah (Akhriso)!!

War Qoraal ah oo ka soo baxay  Xafiiska Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Soomaaliya Ibraahim Iidle Saleebaan ayaa lagu sheegay in Shaqdii laga Joojiyay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Mudane Xaashi Cilmi Nuur oo lagu tuhmaaya Musuq maasuq iyo iibsasho maxaabiista kuxeran Muqdisho Caasimada Soomaaliya.

Warka Qoraalka ah ee ka soo baxay Maxkamadda sare ayaa lagu sheegay in Sababta Shaqo Joojintu ay tahay wax isdaba marin uu ku sameeyay Shaqada Maxkamada Gobolka banaadir oo aan u socon sidii loogu talo galay islamarkaana ay jiraan Dacwooyin Badan oo isku dul Xayiran.

Warka Qoraalka ah ee Shaqada looga Joojiyay Guddoomiye Xaashi Cilmi Nuur laguma sheegin Xilliga ay ku Egtahay Shaqo ka Joojinta Guddoomiyaha Maxkamadda sare.

Marka laga soo tago Shaqo ka Joojinta Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka banaadir ayaa waxaa jira in Dadka ku nool Gobolka Banaadir ay Dhowr jeer Cabsho ka keeneen Garsoorka dalka oo ay ku sheegeen inuu Mad-madow ku jiro.

Halkaan hoose ka aqriso go´aanka shaqo joojinta lagu sameeyay

shaqo-joojinta-musuq-maasuqa-maxkamada-xamar-2

shaqo-joojinta-musuq-maasuqa-maxkamada-xamar-1

Comments

comments