Boqolaal Dadweyna ah oo saaka isugu soo baxay Salaad Roobdoon ah magaalada Jowhar “Sawirro”!

Boqolaal ruux oo ka kala yimid xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Jowhar ayaa saaka isugu soo baxay salaad roobdoon ah iyagoo Eebe ka baryay  roob raxmad leh.

Salaada Roobdoonka ayaa lagu tukaday meel fagaare ah halkaasoo culumaa‘udiin,ganacsato,arday iyo  mas’uuliyiin ka socotay maamulka degmada Jowhar ay ka soo qeybgaleen salaada roobdoonka.

Markii la tukaday salaada ayaa waxaa halkaas qudbado isugu jira ducooyin Alle looga baryaayo in uu kuleelka ka qaado ummada qudbad waxaa ka soo jeediyay qaar kamid ah culumaa’udiinka ka qeybgashay salaada roobdoonka ah.
Salaada roobdoonka ah ayaa waxaa ka hadlay duqa magaalada Jowhar Shiikh Saalax Muudey Cali iyo guddoomiye ku xigeenka degmada Jowhar Xasan Barrow Bocor waxayna shacabka magaalada Jowhar ugu baaqeen inay is cafiyaan Allana u soo noqdaan.

Culumaa’udiinka magaalada Jowhar ayaa toddobaadkan ka hadlay kuleylka iyo roob yarida waxayna ugu baaqeen shacabka in Alle loo noqdo muddo sadde cisha ahna la soomo.

Guud ahaan goobaha waxbarashada magaalada Jowhar ayaa maanta ardayda laga fasaxay iyadoo arday badan ay ka mid ahaayeen dadkii wax ka tukaday salaada Roobdoonka.

Soomaaliya ayaa sanadadaan danbe roobku kuyaraay Dadka Cilmi yaqaanka ah waxayna taas usababeeyeen micnaha roob yarida in ee tahay dhirtii dhaaheereed oo roobka soo jiidanjiratay oo Gobolo badan Dalaka Soomaaliya laga xaalufiyay.

alle-dalka-soomaaliya-roob-fiican-sii-7

alle-dalka-soomaaliya-roob-fiican-sii-1

alle-dalka-soomaaliya-roob-fiican-sii-2

alle-dalka-soomaaliya-roob-fiican-sii-3

alle-dalka-soomaaliya-roob-fiican-sii-6

alle-dalka-soomaaliya-roob-fiican-sii-5

Comments

comments