Daawo Sawiro> Caruur badan oo ku geeriyootay shil ka dhacay gobolka Tennessee ee dalka Mareykanka!!

Shil bas oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay magaalada Chattanoga gobolka Tennessee ee dalka Mareykanka.

Booliska ayaa sheegaya in shilkan uu yimid ka dib markii uu wadada ka baxay baskii ay saarnaayeen caruurta.

Caruur gaareysa 35 arday ayaa la sheegay inay saarnaayeen baskan shilku ku dhacay waxaana la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen Lix caruur ah, qaar kalena ay dhaawacmeen.

Waxaa shilkan ka badbaaday wadihii baskaasi oo ay gacanta ku hayaan booliska iyagoo su’aalo weydiinaya.

Saraakiisha Booliska ayaa sidoo kale sheegaya in marxaladda wadada ay aheyd mid fiican, ayna baarayaan sababta keentay shilkan.

Arday kale oo ku dhaawacantay shilkan ayaa waxaa loo qaaday isbitaalka Erlanger Hospital ee magaalada Chattanoga.

Waxaa ardaydan ay dhiganayeen iskuulka Woodmore Elementary School ee isla magaaladaasi, waxaana shilkan ka naxay waalidiinta ardaydaas.

halista-shilka-4

halista-shilka-1

halista-shilka-2

halista-shilka-3

Comments

comments