Akhriso: Magacyada & sida loogu kala guuleystay doorashooyinkii aqalka hoose ee ka dhacay saddex Maamulo Gogoboleed!!

Doorashooyinkii xubnaha u tartamaya aqalka hoose ee baarlamanka Somalia ayaa maanta ka dhacay magaalooyinka Kismaayo, Garoowe iyo Jowhar oo ah caasimadaha maamul goboleedyada dalka ka jira qaarkood.

Magaalada Kismaayo ayaa maanta lagu qabtay doorashada laba kursi oo ka mid ah saddexdii Kursi ee ugu dambeysay tartanka doorashada Xubnaha Jubbaland u matalaya Aqalka Hoose.

Doorashadii maanta ka dhacday magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku guuleystay labo xildhibaan oo kala ah:

1-Sagal Cabdirisaaq Isaaq
2-Cabdullaahi Maxamed Aadan Shaacir

Balse waxaa dib loo dhigay ilaa berri Kursigii ugu dambeeyey ee 43-aad, waxaana Jubbaland ay noqoneysa dowlad goboleedkii ugu horreysay ee soo afjarta Doorashooyinka Aqalka Hoose, Haddii ay berri soo dhameystirto kursiga harsan.

Magaalada Jowhar ayaa ka mid ah magaalooyinka ay maanta ka dhaceen doorashooyinka aqalka hoose.

Xildhibaanada doorashadii maanta kusoo baxay ayaa waxay kala yihiin: Cumar Cusmaan Waasuge (Cumar Riinge) oo ka guuleystay Musharraxiinta kala ah, Cabdulqaadir Maxamed Cusmaan (Barnaamij), Cabdimaalik Cabdalla iyo Cabdiraxmaan Cali Muumin.

Sidoo kale Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa 33 cod kaga guuleystay labo musharax oo tartan kula jirtay kuwaasoo kala ahaa Maxamed Cumar Maclow iyo C/risaaq Cabdi Cabdullaahi.

Kursiga saddexaad oo ay haween ku tartameen ayaa waxaa ku guuleysatay Farxiyo Muumin Cali oo 40 cod heshay, halka Faadumo Khaliif Guuleed oo la tartameysayna ay nasiib u heshay 10 cod, iyadoo hal codna uu xumaaday.

Dhinaca kale, wejigii 3aad ee Doorashada Aqalka hoose ee Puntland ayaa maanta ka dhacday magaalada Garowe illaa saddex kursi ayaana loo tartamay.

Xildhibaanadii ku soo baxay doorashadii maanta ka dhacday Garowe waxay kala ahaayeen:-

1-Daa’uud Maxamed Cumar.
2-Feysal Cabdulle Guuleed
3-Cabdi Maxamuud Maxamed.

Kuraasta ilaa iyo hadda laga soo doortay Puntland ayaa doorashada xildhibaanada maanta soo baxay waxay ka dhigaysaa 22-mudane, iyadoo tirada guud Kuraasta Puntland laga rabo ay tahay 37-kursi.

Comments

comments