Maxaad kala socotaa Hanaanka Qaadashada Shaqaalaha Xafiisyada UN-ka ee Magaalada Muqdisho? Aqriso Cadeymo!!

Xafiisyada Hey’ada Qaramada midoobay ee ka Howlgalo gudaha wadanka Soomaaliya ayaa fuliyo howlo badan oo igu jiro kuwa muuqda iyo kuwa aanan muuqan, inta badan howlahaas ayaa waxaa lagu qabtaa xafiisyada ku yaallo gudaha xerada Xalane halkaas oo ay ka howl-galaan shaqaale u badan Ajaaniib, iyo kuwa Soomaali ah.

Hanaanka qaadashada shaqaalaha waa ay ku kala duwan yihiin xafiisyada waxaa jiro xafiisyo qaato shaaqaalaha Soomaalida ah ayaga oo marsiiyo baaritaan la xariiro in qofkani uu hore usoo galay fal danbiyeed iyaga oo qofka ku xujeeyo in uu ugu danbeynta ka keensado warqad cadeyn ah Hay’ada danbi barista ee CID-da iyo hayada Nabadsugida qaranka NISA, talaabadaasi oo ay dadka Soomaliyeed aad usoo dhoweeyeen waayo waxaa meesha ka baxayo marmarsiiyaha la xiriiri dhanka aaminaada qofka shaqaalenimada loo qaadanayo.

Taasi waxaa ka duwan xafiiska UNITED NATIONS SUPPORT OFFICE IN SOMALIA (UNSOS) oo ah xafiis cusub laguna badalay xafiiskii UNITED Nations Support Office for AMISOM (UNSOA) laguna sheegay in uu kaalmaynayo Ciidamda Soomaaliya iyo kuwa Amison ee ka howlgalo Soomaaliya ayaa waxa uu dhowaan soo xayaysiiyay shaqo ka banaan xafiiskooda magaalada Muqdishu, shaqada ayay waxa ay uga baahan yihiin qof KENYAATI ah kaliya kaas oo aanan laheyn wax faa’iido caalami (No Internation Benefits) taas oo macnaheeda ah in gabi aanba aysan u aqoonsan qof ajnabi ah inuu yahay, Shaqada la qabanayo shuruudaha ugu muhiimsan ee qofka laga rabo ayaa ah in uu heysto shahaadada Dugsiga sare ama shahaado Human resource management, kuna hadli karo luqada English-ka .

Hadaba aan is weydiino imisa qofood oo heysto shahaado dugsi sare iyo wax ka badan oo shaqo la’aan ah ayaa joogo kuna haboon booskan ayaa guud ahaan wadanka gudihiisa ku nool miyaysan xaq u laheyn in ay soo codsadaan shaqo laga qabanayo wadankooda laguna sheegayo in lagu hor marinayo wadanka amnigiisa.

Miyaysan amni-darada iyo tahriibta qeyb ka aheyn mar hadii ardayda soo qalinjabinayso jaamcadaha iyo dugsiyada aysan helin fursad shaqo, hadaba waxaa looga fadhiyaa in arinta ay wax ka qabato ayna cadeyso go’aankeeda dowlada faderaalka gaar ahaan wasaarada shaqada iyo shaqaalaha.

waxqabadka Dowlada Madaxweyne Xasan sheeq iyo qabiilada ugu Musuq maasuqa badan Magaalada Muqdisho Qabiilkee ugu xagjirsan Muuqaal Daawo

https://www.youtube.com/watch?v=8O6w-i_QWVkjopp_2

Comments

comments