Sarkaal ka tirsan ciidamada dowlada oo caawa lagu weeraray Muqdisho & khasaare ka dhashay!!

Dabley hubeysan ayaa caawa ku weeraray degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho, gaari uu lahaa sarkaal ka tirsan ciidamada milateriga dowlada Soomaaliya, iyadoo weerarkaasna khasaare nafeed uu ka dhashay.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga sarkaalkan iyo ilaaladiisa ay ku sugnaayeen afaafka hore ee Hotel Golden oo ku yaalla xaafada Suuq bacaad, iyadoo sarkaalkana uu ku jiray gudaha Hotelka.

Goob joogayaal ayaa sheegay in dabley hubeysan oo gaari wadatay ay weerar ku soo qaadeen gaariga sarkaalkan oo an magaciisa la ogaanin, iyadoo ilaaladiisana ay iska horimaad muddo kooban socday la galeen kooxda weerarka soo qaaday.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Yaaqshiid ayaa sheegaya in saddex nin ay ku dhinteen iska horimaadkan, kuwaasoo kala ahaa labo askari oo ka tirsanaa ilaalada sarkaalka iyo nin ka tirsanaa dableyda.

Waxaa sidii kale wararku sheegayaan in dableyda weerarka soo qaaday ay halkaas kaga carareen gaari nooca raaxada ah oo ay wateen iyo meydka nin iyaga ka tirsanaa oo iska horimaadkan lagu dilay.

Lama oga in dableyda weerarka soo qaaday ay ka tirsan yihiin Al-shabaab iyo in kale.

Ciidamada dowlada oo isugu jira boolis iyo nabad sugid ayaa halkaas gaaray iyagoo ka wada howlgalo kala duwan, illaa haddana laamaha amaanka dowlada war kama soo saarin weerarkan.

Comments

comments