Madaxweynihii hore ee Cuba Fidel Castro oo Baqtiyay + Tarikhdiisa xun uu Soomaaliya ka galay!!

Fidel Castro taariikhda Soomaaliya baal madow ayuu ka galay ka dib markii uu si cadaalad darro ah dagaal ugala saftay Ethiopia ayadoo aanay jirin shacabka Soomaaliyeed wax ay u dhimeen.  Waxaa uu sabab  ka ahaa jabkii ku dhacay ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed  qorshahii la rabay in lagu xoreeyo Soomaali Galbeed asagoo xulafo la ahaa xukuumadii koofurta Yemen iyo Jarmalka Bari iyo Soviet Union iyo WARSOW weliba isticmaalaya lacagtii Qadafi.

Fidel Castro iyo Al Mucamar Qadaafi lama oga meesha ay kala imaadeen nacaybka ay u hayeen umadda Soomaaliyeed laakiin dadka siyaasadda indho indheeya qaarkood waxaa ay yiraahdaan nimanku waxay ahaayeen askar amar laga soo siiyo Moskow ee maahayn niman maskaxdooda ku socda halka qaar kalena aaminsan yihiin inay mabda’a  hantiwadaagga aad u aaminsanaayeen oo naftooda iyo maalkoodaba u hurayeen  fidinta mabdaas iyo meesha siyaasadda la gashay.
Farqiga u dhaxeeya labada nin ayaa aad u kala fog oo aan la is barbardhigi karin.  Dad badan ayaa aaminsan Qadaafi mabda uu aaminsan yahay anaanayba jirin  saaxiibkiis iyo cadowgiisna ma kala yaqaan sokeeye iyo shisheeyena uma kala leh wax uu ku dagaalo iyo wax uu cid u taageero midna uma kala cadda halka dad badani aaminsan yihiin Fidel Castro nin ku adag mabdaiisa iyo go’aankiisaba  yaqaana wax uu u dagaalamayo iyo meesha ciidankiisa uu u dirayo.
Taariikh kooban:

Fidel Castro waxaa uu mudo yar la saaxiibay dawladii Soomaaliyeed ka dibna waa kala boodeen markii laga diiday talo uu soo jeediyey taasoo ahayd in saddex dal ay xiriir federaali ah wada samaystaan dawladahaas oo kala ahaa Soomaalioya, Itoobiya, iyo Koofur Yemen,  Markii uu qarxay dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobia 1977 waxaa markiiba uu u wareegay dhinaca Itoobiya.  Dawladdii Soomaaliyeed ee waagaas jirtay waxay  xiirrka u jartay hal mar Soviet Union iyo Cuba,  shaqaalihii Soviet Union waxaa loo qabtay 7 beri inay dalka uga baxaan halka Cubans loo qabtay 48 saacadood.
Itoobiya iyo Soviet Union iyo Cuba iyo Qadafiba waxaa ay aad u welweleen markii si la yaableh magaalada Jig Jiga oo difaac aad u adag yiilay la soo derderay waxayna si deg deg ah u go’aansadeen

1- In Ciidamo Cuban ah loo soo dal dalo Itoobia
2- Qadaafi qarash badan bixiyo
3- Soviet Union iyo Jarmalka Bari  iyo xulafadii WARSOW qubaro keenaan
4- In Hub lala soo gaaro Itoobiya si loo badbaadiyo (Helicopters, Taangiyada T52 iwn) hal billion oo dollar hub qiimahiisa gaarayo ayaa loo soo daabulay dhul iyo badba si loogu gurmado Itoobiya

Comments

comments