War Deg deg: Ciidamada amniga oo gacanta ku dhigay ninkii watay gaari goor dhaw ku qarxay Waddada Afasiyoone!!

Goob uu Madaxweynaha Xasan sheeq ka dhawaa ayaa lala eegtay gaari walxaha qarxo ee ka buuxeen.

Waxaa goordhaw qarax aad u xoogan uu ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan Suuqa loo yaqaan beerta oo kuyaala agagaarka Xerada Ciidanka Cirka Afisiyooni ee Degmada Waabari sida ay noo xaqiijiyeen dad halkaasi ku dhaw.

Qaraxan xoogan ayaa la sheegay in uu ahaa ismiidaamin, waxa uuna ka dhacay Suuqa Beerta gaar ahaan goob ay dad badan ku sugnaayeen, waxaana qaraxan ka dhashay qasaaro badan oo isugu jira dhimaho iyo dhaawac.

Waxaa lagu soo waramayaa in halkaasi yaalaan dad badan oo shacab ah oo ku dhintay qaraxaasi, waxaa sidoo kale goobtaasi laga qaaday dhaawacyada dad ay waxyeelo kasoo gaartay qaraxaasi ismiidaaminta ah

Ciidamada booliiska iyo kuwa Nabad Sugida ayaa xiray halka uu qaraxu ka dhacay, walina si rasmi ah looma oga halka qaraxan lala damacsanaa, waxaana qaraxan u dhacay xili amaanka si weyn loo adkeenayay.

Laamaha amniga ayaa xaqiijiyay inay gacanta ku dhigeen ninkii watay gaariga la qarxiyay, isaga oo dhaawac ah, kaasi oo iminka ku socoto howlo baaritaanno ah.

Comments

comments