U gurmo Dhibanayaasha Soomaaliyeed ee ku xirran Dalka Hindiya oo Warqad qoraal CODSI ee soo dirsadeen, waa DHIBANAYAASHA KUXIRAN Dalka Hindiya!!.

“Waxaan nahay dhallinyaro soomaaliyeed oo ku xirran dalka hindiya Gaar ahaan xabsiga Taluuja ee Gobolka Mambaay. waxaan eheen 120 dhallinyaro ah , waxaa nala soo xirray lix sano kahor , dhibaato iyo Rafaad baddan kadib waxaa xabsiga dhexdiisa ku geeriyooday labbo wiil oo Inaga tirsanaa.

Lixdaas sano oo aan xirneyn waxaan la kullanay dhibaatooyin dhankastaba leh sida;- Jirdil Joogta ah , Caafimaad daro , Xuquuq la’aan , iyo xad gudubyo kale oo badan. Dhibaatooyinka xabsiga nagu heysta waxaa kaloo kamid ah innaan waxba ka garaneyn luqadaha dalkaan looga hadlo, taas oo sabab u noqotay in dhallinyarada qaar u dhintaan kuwana ku naafoobaan cuduro ku dhacay , markaan is niri usheega ama fahamsiiya madaxda xabsigana innaan awoodi waynay waayo ma garanayno si aan ugu sheegno iyo qaab aan u fahmsiino .

Sidoo kale inta aan xabsiga ku xirneyn ama dhibkaasi naqabsanaayey waxaan weynay wax noo dooda ama dacwadeena usheega dowlada nasoo xirratay.
dowladdeena soomaaliyeed kama aanaan helin wax caawimaad ah , sidoo kale dadka soomaaliyeed iyana caawimaad fiican nama siin . waxaan maqalnay in madaxda dalkeena ugu sareysa ay timid hindiya , saniibdaro arrinteena kama aysan hadlin inta ay joogeen hindiya.

Tirro dhowr jeer ah ayaa naloo sheegay in maxkamad nala soo saarayo , xasa yeeshee ma ay suuragalin oo markasta waxay noo sheegaan in dib loo dhigay .
taasi waxay ka dhigantahay in aysan jiray dad iyo dowlad noo dooda , waayo hadii la helilahaa wax noo dooda waxaan heli lahayn cadaalad iyo xorriyad.
Hadda waxay noosheegeen hadii aan qirano danbiyada ay nagu heystaan maxkamada horteeda in ay nasii daynayaan , laakiin taas ma ogin sida ay suuragal ku tahay , qof wixii lagu soo eedeeyey qirtay haddana in la siidaayo .

innagu waxaan go’aan sanay in aan waxkasta oo ay noosoo jeediyaan aan qaadano maxaa yeelay awalba nolol ma heysan oo waan ku dhibanayn meeshaan .

CODSI
Waxaan ka codsaneynaa Dowladdeena soomaaliyeed , Ummadda soomaaliyeed iyo dhamaan inta wax garradka ah ee soomaalinimadu ku danbeyso in wax naloo qabto , dowladaanna latusiyo in aan Dal iyo Dadleenahay .

Mida sadaxaad waxaan codsi udiraynaa Safiirada soomaaliyeed meelkasta ay joogaan gaar ahaan kuwa qarramada midowbay u fadhiyada soomaaliya in arrinkeena il gaar ah lagu fiiriyo , gurmadna naloo fidiyo .
Waxaan kaloo codsaneynaa in codsigeena la gaarsiiyo madaxda Dowladdena Soomaaliyeed iyo dhamaan Hay’adaha Xuquuqda aadahana ee wax kaqaban kara tacadiga.””

Arintaan ayaa kusoo aadeyso xilli ay ka dhamaatay Bada Burcad Badeed Soomaaliyeed wax loogu yeero waxaana arintaan timid kadib markay dhalatay Dowlad Soomaaliyeed.

Comments

comments