Daawo MUUQAAL: Axmed Macalin FIQI iyo Mas’uliyiin kale oo Xildhibaano unoqday Galmudug iyo HiirShabeele!!

Taliyihii hore ee Hey’adda nabadsugida iyo sirdoonka qaranka Axmed Macalin Fiqi ayaa ku soo baxay doorashada xildhibaanada aqalka hoose ee baarlamaanka,  kaddib doorasho ka dhacday magaalada Cadaado.

Doorashada maanta ayaa la filayay iney noqoto mida ugu xiisaha badan doorashooyinkii ka dhacay magaalada Cadaado, balse ma aysan dhicin sababtoo ah waxaa tanaasulay oo doorashada isaga baxay Axmed Ducaale Geele Xaaf.
Axmed Ducaale Xaaf, ayaa sanadihii ugu dambeeyay ahaa xildhibaanka beeshiisa, waxaana uu ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay tartankii maanta.
Axmed Macalin Fiqi, oo horey ugu soo tartamay xilka madaxweynaha Galmudug, ayaa helay 45 cod, sidaas waxaa uu ku noqday Xildhibaanka ku guuleystay Kursiga Aqalka Hoose ee Beeshiisa Sacad.
Sidoo kala waxaa maanta Jowhar iyo Cadaado lagu doortay  Sadex Xildhibaan oo kale Kuwaasi oo kamid Noqon doona Baarlamaanka Cusub.

Comments

comments