DAAWO MUUQAAL dhameystiran: Waraysi Tarsan  “Muqdisho waa la Kufsaday” Dagaalkii Itoobiya uu la galay,  Doorashada dalka, iyo Wada-hadalka  Maamulka S.LAND!

Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa Waraysi uu siiyey Tv-ga Kalsan Wuxuu uga hadlay arimo kala duwan, Wuxuuna sheegay inuu Siyaasada kusoo galay markii uu Bilaabay Kacdoon iyo dagaal looga soo Horjeedo Ciidamada Itoobiya ee soo galay Soomaaliya.

Tarsan oo Xiligan ah Musharax u taagan Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay Sababtii uu xilal kala duwan uga diiday Dawlada uu Xiligan hogaamiyo Madaxwayne Xasan markii Xilka Gudoomiye laga qaaday, Wuxuuna sidoo kale Xusay Waxyaabaha uu lasoo kulmay Xiligii Dawladii dhexe ee Soomaaliya Xiligaas isagoo Ciyaar-tooy ah.
Dhinaca kale Tarsan ayaa wuxuu ka hadlay Dhibaatada Haysata Soomaalida Taasi oo ku salaysan Caadifad Qabyaaladeed, Wuxuuna xusay Wax qabadkiisii Magaalada Muqdisho isagoona Xiligii uu xilkaasi ka qabtay sheegay inay ahayd MAGAALO LA KUFSADAY, Wuxuuna Xusay wixii uu qabtay inaan Soomaalidu xiligan Qiraynin wuxuu qabtay ee marka uu dhinto laga sheekayn doono.

Sidoo kalana wuxuu shaaca ka qaaday Arimo la xidhiidha Wada hadalka u dhexeeya Dawlada Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland, Arimaha Doorashooyinka dalka iyo waxyaabo la yaableh oo  la xidhiidha Musuq-maasuqa.

Muuqaalka halkaan hoose kadaawo

Comments

comments