ma ogtahay Beesha Calamka Soomaaliya ka arimiya in ee yihiin Swedan, Norweyn, Ingriiska, USA iyo IGAD oo ah Itoobiya Kiinya waa INTAAS Beesha caalamka Dadban!!

Bismilaahi kusoo dhawaada Filimka Soomaaliya lagu maamuli doona 4 sano ee soo socoto!

Ma ogtahay UN ka Daban ee Soomaaliya jooga in ee Dalkeyna ka leeyihiin ujeedo dano kaweyn mida yar ee kuu muuqato ..? masa ogtahay in Ciidanka Amison magaca ka yahiin Afrikaan lakiin wax qabadka ee ka yihiin Reer Galbeed? masa ogtahay Putland iyo Soomaaliland in ee ku dhisan yihiin Siiyad mid ah oo Iyaguna isku rabin?

Masa Ogtahay in siyaasadaas ka dhaxeyso ay tahay waxii mucaarad ku ah oo hubeysan ama waxii ku kaca beelaha Labadaas Maamul Madaxweyne ka ah in ee ku jawaabaan “Kooxdaas Xamar ayaa laga soo diray ee lacag, Hub kasoo helaan iyo Qoladaas waa Alshabaab”.

weli ma isweydiisay waxay tahay Doorashada Dadban ee Dowlada Soomaaliya ama waxay noqoneyso iyo waxa kasoo bixi kara? “Dabban” waa sidaan ee sii ogow yaah,

Doorashadaan dadban waxaa ka soo bixi doona Baarlamaan dadban, baarlamaanka soo bixi doona wexay dooran doonan madaxeyne dadban,

madaxweynuna wuxuu soo magacaabi doonaa ra,isulwasaare dadban, ra,isulwaasuhuna wuxuu soo xuli doona gole wasiiro oo dadban,

baarlamaankuna wuxuu wasiiradaas la soo xulay siin doonaa kalsooni dadban, odaygaas idiin muuqda wuxuu dhiibanayaa codkiisa dadban,

maxaa diidayaya shacabku in ey noqdaan shacabkeyna Dad dadban?

Gaba gabadii Ma ogtahay xilligaan Qabiilka Soomaaliya ugu laandheereesan ama ugu sareeyo taladiisa ah silic in uu yahay Beesha caalamka Dadban, ama Beesha laxaad ee qasta Siiyaasadaha ah isku qoor galinta Maamulada iyo Qabiilada rasmiga ee Soomaali dhaladka ah.

waxa Qoray Daahir Axmed By Kowtharmedia.com

Comments

comments