Daawo MUUQAAL: Maamulka KHAATUMO oo lacag 40-Kun oo Dollar ku Wareejiyey Gudiga Abaaraha ee Gobolada S.S.C iyo baaq uu soo jeediyay!!

Gudiga abaaraha ee maamulka Khaatumo u xilsaaray gurmadka abaaraha ayaa maanta laga hawlgeliyey Deegaano, waxaana maamulku maanta ku wareejiyeen lacag dhan 40 kun oo dollar taasoo ay kaga qayb qaadanayaan gurmadka abaaraha, lacagtaas ayaa maamulka Khaatumo waxay kasoo qaadeen ganacsato degan dalka Jabuuti waxaana ka warbixiyey madaxweynaha Maamulka Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galaydh.

Maamulaha shirkadda Xawaaladda ee Tawakal oo ay taalo lacagtani Ibraahim Yuusuf ayaa sheegay inuu gudiga ku wareejin doono lacagtaasi oo dhan 40 kun oo dollar.
Gudoomiyaha gudiga abaaraha ee maamulka Khaatumo u xilsaaray gudmadka abaaraha Sheekh Mukhtaar Axmed Faarax ayaa halkaasi ku gudoomey lacagta gurmadka abaaraha ah waxaana hadalka uga danbeeyey xubin kamid ah gudiga abaaraha oo ku baaqay in loo soo gurmado dadka abaaruhu saameeyeen siiba Dadka wax haysto ee Muslimka.

Comments

comments