Dab qabsaday iskuul ku yaalla Koonfurta dalka Turkigan & gabdho badan oo ku naf waayey Dabkaas Daawo Sawirro!!

Ugu yaraan 13 ciyaal iskuul ah ayaa dhintay 22 kalana dhaawac ayaa soo gaaray ka dib markii uu dab qabsaday qaybta jiifka ee iskuul ku yaalla Koonfurta Turkiga.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa dhamaantood ahaa gabdho wax ka baranayey iskuulka uu dabku qabsaday, waxaana ku jiray dadka geeriyooday haweenay ka shaqaynaysay iskuulka oo ku yaala magaalada Aladag ee gobolka Adana.

Qaybta jiifka ee iskuulkaas waxaa daganaa gabdho ka soo jeeda qoysas danyar ah oo dagan tuulooyinka ka agdhaw magaalada sida ay wararku sheegayaan, iyadoo Baaritaannada hordhaca ah waxay tilmaamayaan in dabku uu ka kacay cillad koronto.

Duqa gobolka Adana Mahmut Demirtas ayaa sheegay in qaar ka mid ah gabdhuhu ay dhaawacmeen markii ay daaqadaha ka boodeen si ay dabka uga baxsadaan.

Demirtas ayaa xaqiijiyay in dhamaan 13 gabdhood ee dhintay ay yihiin arday, waxaana Muuqaal TV-ga laga sii daayey uu muujiyay dabka oo saqafka guryaha kala baxaya dabdamiskuna ay isku dayayaan in ay bakhtiyaan.

dab-raxo-4

dab-raxo-5

dab-raxo-6

dab-raxo-7

dab-raxo-1

dab-raxo-2

dab-raxo-3

Comments

comments