Madaxweynaha Dalka Suudaan Cumar Al Bashiir oo amaanay Maaxweynaha Cusub ee dalka Mareykana!!

Madaxwaynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa lagu soo waramayaa in uu amaanay Madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka Donald Trump.

Warbixin lagu qoray Wargeyska Caanka ah ee al-Khaleej ee kasoo baxa Imaaraadka Carabta ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Al Bashiir uu soo dhaweeyay Doorashada Madaxweynaha cusub, waxa uuna tilmaamay in ay sahlanaan doonto in lala macaamilo Madaxweynaha cusub.

Al-Bashiir ayaa sheegay in Donald Trump uu diirada saarayo danaha Muwaadiniinta u dhalatay dalka Mareykanka, waxa uuna tilmaamay Madaxdii ka horeesay ee Xisiga Dimuquraadiga in ay ku mashquuli jireen arimo kale sida xaquuqda aadanaha.

” Madaxweynaha cusub waa qof wado cad haya oo arintiisa la ahmi karo, laakin kuwii kan ka horeeyay ee xisbiga Dimuquradaiga waxa ay ahaayeen kuwa dano kale ku mashquulsanaa” Ayuu yiri Madaxweynaa Sudan oo Warbixintiisa lagu daabacay Wargeysa Al Khaleej.

Bashiir wuxuu sheegay in uu ku adkaysanayo in la macaamilida Trump ay aad uga sahlanaan doonto kuwa kale maadaama uu yahay “nin meel loogu soo hagaago leh oo ganacsade ah kana fiirsada danaha dadka uu la macaamila.

Madaxweynaha Sudan Cumar Al Bashir ayaa aad uga soo horjeeday Siyaasada Xisbiga Dimuquraadiga ku hogaamin jireen dalka Mareykanka, Sudan ayaana xariir wanaagsan la laheyn Dowlada Mareykanka iyo qaar kamid ah Dowadaha Reer Galbeedka.

Comments

comments