Xildhibaankii u horeeyay ee Beelaha Banaadiriga oo Maanta lagu doortay Magaalda Muqdisho!!

Doorashooyinka xubnaha Aqalka Hoose ee Beelaha Banaadiriga ayaa goor dhow ka bilaabatay magaalada Muqdisho, iyadoo Kursigii ugu horeeyay uu ku guuleystay Khaalid Mocow C/qaadir oo ka mid noqonaya Xildhibaanada cusub ee Aqalka Hoose.
Kursigan Beesha reer Faqi ee Beelaha Banaadiriga ayaa waxaa ku tartamayay Musharaxiinta kala ah Khaalid Mocow C/qaadir iyo Shariif Maxamed Siidii oo 12-kii sano ee la soo dhaafay kursiga ku fadhiyay.
Doorashadan oo aheyd mid xiiso leh ayaa 29 cod waxaa ku guuleystay Khaalid Mocow C/qaadir, halka Shariif Maxamed Siidii uu helay 21 cod, waxaana codeynayay 50 ergo, iyadoo hal ergo uu goobta ka maqnaa.
Guddoomiyaha degmada Shingaani C/qaadir Maxamed C/qaadir oo ka mid ahaa Musharaxiinta Kursigan ayaa goor dambe ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay.
Xarunta Gaadiidka Booliska oo ay ka dhaceysay doorashadan ayaa ammaankeeda aad loo adkeeyay, iyadoo dowladda ay xeratay waddooyin badan, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda lasii guda galo doorashada Dadban ee xubnaha Labada aqal ee beelaha Dirta Waqooyi Soomaliland.

Comments

comments