Madaxweyne dal Afrikaan ah soo hogaaminayey Mudo ku dhowaad 25 sano oo doorasho looga adkaaday Daawo Sawirro!!

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee Gambia ayaa sheegay in Yahya Jammeh uu qirtay in looga guulaystay doorashadii xilka Madaxweyne ee Khamiistii lasoo dhafay dhacday.

Wax aan la saadaalin karin ayaa la sheegay iney aheyd in uu hogaamiyaha Gambia uu qirto in looga guulaystay doorashada ka hor shaacinta natiijooyinka rasmiga ah.

Yahya Jammeh weli si toos ah ugama hadlin natiijada hordhaca ah ee tilmaamaysa inuu ka ka guuleystay Adama Barrow oo ah hogaamiyaha mucaaradka ee la tartamayey.

Mr. Barrow ayaa la sheegay shaqadiisa oo mar waardiye ka ahaan jiray dukaan ku yaalla wadanka Britain oo la yiraahdo Argos.

Midowga Afrika ayaa halkaa u diray tiro korjoogto ah, laakinse Midowga Yurub, iyo urur-goboleedka ECOWAS uma aysan dirin.

Mr. Jammeh ayaa Gaambiya afgambi ku qabsaday sanadkii 1994-tii kooxaha xuquuqda aadanahana waxay ka cabsi qabaan iney rabshado dhacaan.

afrikan-gabia-2

afrikan-gabia-3

afrikan-gabia-1

Comments

comments