MUUQAAL: Baashe Cali oo Jaamac oo Fadeexad uu shaaciyey Siilaanyo Xilkii ugu qaaday iyo Wixii uu soo Bandhigay DAAWO!!

Hogaamiyaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed (Siilaanyo) ayaa Xalay Xilkii ka Qaaday Xubno uu kamid yahay Baashe Cali Jaamac oo horey uGu Magacownaa Wasiirka Biyaha ee maamulka Soomailand.

Xilka qaadista Baashe ayaa ka danbaysay Kadib markii uu dhowaan Shaaciyey Fadeexad Balaadhan, Taasi oo la xidhiidha Xaalada dhabta ah ee ka jirta maamulka Soomailand, Waxaana uu Baashe Xilkii Wasiirnimo ku waayey kadib markii uu isku dayey inuu Shaqada ka joojiyo Agaasimihii Wasaarad uu isagu Wasiir u ahaay kaas oo Qabiilka Madaxweynaha A/ Siilaanyo kasoo jeeda.

Baashe ayaa sheegay in Agaasimuhu uu Reernimo Isku Halaynayo, isagoo oo aan aamin-sanayn inuu Baashe Wasiir yahay, oo la kala Sareeyo, isagoo u Arka Qof “AYUHA AJNEBI AH”, Wuxuuna sheegay inaysan Dawladnimo jirin.

Hadalkan oo Baashe Warbaahinta kasii daayey Afar Maalin ka hor ayaa soo dedejiyey inuu Xilkaasi waayo, Halka aan la taabanin Agaasimihii ay is Khilaafeen.

Comments

comments